Maxaa Dhacay? Maxaa Nala gudboon?

Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, Allaha Caafiyo intii ku dhaawacan tay Qaraxyadii Zoobe.

Maxaa Dhacay?

1. Gaabis Amni oo shacab iyo hay’adaha amnigu eedu wada leeyihiin

2. Xasuuq Shacab oo kala sooc lahayn, arxan daran lana filaaye!

3. Musiibadii marka ay dhacday maxaa xigay: 

A. Iyadoo aan taxadar la muujin in lagu wada cararay goobtii dhibka ka dhacay taasna ay laba laabtay qasaarihii markii qaraxa labaad dhacay!

B. Daabulistii bukaanada iyo gurmadkoodii oo aan si sax ah loo sameyn (Triage)

C. Wadooyinkii iyo meelihii gurmadka soo mari lahaayeen ama la geyn lahaa dhaawaca oo jaam xun ka dhacay

D. Bukaanadii oo Isbitaalada qaar ka tan batay halka kuwo kalana aysan waxba qaban (Triage)

E. Awoodihii Isbitaalada ee Gurmadka deg dega oo buuxin waayay baahidii sida dhiiga, shaqaalaha iyo agabka!

F. Dhibaatadii kadib oo dhamaanteen aan iloobi doono wixii dhacay dibna u baraarurugi doona musiibada kale (Allaha naga haayee); 

Is weydii Qaraxii Zoobe ee hore iyo kan hada maxaa is bedelay shacab, Amni iyo diyaar garowba?

Hada Maxaa Nala Gudboon? Talo ku aadan u diyaar garowga musiibada tan xigta:

1. Ka hortag: waxaan shaki kujirin in ka hortaga musiibada (man made) ay tahay waxa ugu fiican ee lagu yareyn karo dhibaatada. Ka hortagaasna masuuliyadeeda ay shacab iyo hay’adaha amniga iska wada xil saaraan. Ma ihi khabiir amni, laakiin caqliga saliimka ah wuuxu sheegayaa in Daacadnimo, Isdaba gal, Isla xisaabtan ka jirto hay’adaha amniga in Qaraxyada badankooda laga hortagi karo!

2. In Shacab iyo dowladba loo diyaar garoobo Musiibooyinka nuucaan ah. Sidee?

 Maadaama ay soo noq noqonayaan dhibaatooyinkan waxaa loo baahan yahay in la dhiso hay’ad Joogto ah iyo system lagula tacaalo ayna hogaamiyaan, kana shaqeeyaan dad aqoon iyo ehel u ah. Waxaa badanaa Musiibooyinka la isticmaalaa (Incident Management System iyadoo la raacayo Incident Command System ICS ) oo ah hab lagula tacaalo marka ay dhacdo musiibo dad badana ay wax yeeloobaan. 

Hay’ada Maareynta Musiibooyinka Qaranka waa inay lahaataa hab (ICS) lagu wajaho Musiibooyinka Qaraxyada ee wax yeelada badan ka dhashaan. Badanaa 4 qayb ayaa loo qaybiyaa howsha ICS oo kala ah

I. Qorsheyn iyo Tababar

II. Ka Jawaabida koowaad (marka ay dhacdo musiibada)

III. Xalinta Musiibada iyo sida loo dajinayo Xaalka

IV. Gabagabada iyo soo xeritaanka Dhibkii dhacay

Waxaan shaki ku jirin in 4ta qayba aan samaysan karno oo aana haysano xirfadlayaashii ugu badnaa ee looga baahnaa inay ka shaqeeyaan balse ciladu tahay (fahankeyga) baraarug yari, isku xir iyo agaasin xumo! 

Ogaaw maanta hadaanan diyaar ahayn, Maalinta Musiibadu dhacdo diyaar ma noqon karno!

Qayb kasta waxaa soo hows galaya tiirar asaas u ah shaqada tusaale Qorsheynta iyo Tababarada waxay quseeyaan dhamaan dhinacyada ka shaqeynaya musiibada ha noqoto qofka koowaad ee shacabka ee dhibka soo sheegaya ama hay’adaha amniga iyo Gurmadka deg dega ee imaanaya goobta ama isbitaalada la geynayo dadka dhibku gaaray ama shacabka iyo maamulka gurmadka u fidinaya ama booqonaya dadka dhibku gaaray.

Waxaan talada kusoo gabagabeynaa: 

1. In bulshada loo diyaariyo, la baro sidii loo wajihi lahaa Musiibooyinka nuucaan oo kala ah (sida wacyigelin, ka qayb qaadasho sugida amniga, u tababrid sidii qof loo badbaadin lahaa, iwm)

2. In la dhiso ICS sadax geesood ah oo ay kujiraan hay’adihii Amniga, Dabdamiska iyo Gurmadka Deg-dega ee bahda Caafimaad

3. In ICS qaybihiisii kala duwanaa loo dhameystiro sida Operations, Logistics, Finance, Admistration, iwm

4. In ay active ahaadaan 24/7 subax kastana qaybaha maamulka ee ICS ay is brief gareeyaan.

5. In Allah looga cabsado umada oo shacabka mas’uiyadooda qaataan,  hay’adaha amnigana shaqadooda si sax ah u gutaan, dulduleeladana la daboolo!

Fariintan waa qayb kamid ah waxyaabihii dad badan oo ila mid ah ay ku fekeraan markii ay la yaabeen sida ay wax u dhaceen iyo diyaar garow geena inta uu la egyahay.

Allaha na wada amaansado. Aamiin.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.