Maalinta Badqabka Bukaanka

© MOH Somalia

Horudhac

Sanad kasta maanta oo kale 17 ka September waxaa loo dabaal dagaa maalinta Badqabka bukaanka si kor loogu qaado wacyigelinta, ku baraaruga bahda caafimaadka halista la xiriirta adeega caafimaadka iyo dhibaatooyinka ka imaada.

Waa Maxay Badqabka Bukaanka?

Badqabka Bukaanka waxaa lagu qeexaa “in laga hortago in dhibaato ay soo gaarto bukaanka”; si taas loo gaarana waxaa lama huraan ah in la hagaajiyo habka adeeg bixinta caafimaadka noqdana mid ka hortaga qaladaadka, wax ka barta qaladaadka dhaca, bahda caafimaadkuna waa inay dhaqankoodu ahaadaa mid markasta ku salaysan kana shaqeeya badqabka bukaanka.

Halista laga hortagayo maxay tahay?

Qof kasta mar ayuu xanuusadaa wuxuuna goobaha caafimaadka u doontaa daryeel caafimaad; daryeelka caafimaadkana waxaa ku hareereysan khataro badan oo horseedi kara in bukaankii daaweynta soo doontay uu dhib cusub la kulmo iyadoo 134 million oo qofood ay dhibaato kasoo gaarto halka 2.6 million ay u dhintaan. Si kale hadii aan u dhahno tobankii qof ee isbitaal la seexiyaba mid kamid ah ayaa dhib la kulma, dhibkaasna 50% waa wax laga hortagi karo. Sadax meelood labo meel dhibaatooyinka aan soo sheegnay waxay ka dhacaan wadamada hormaraya sida Somalia.

Maxaa ka mid ah Khataraha ugu badan?

Khataraha ugu badan waxay la xiriiraan Daawada, Infekshanada laga qaado isbitaalada, Qaliimada, Cirbadaha, Dhiiga marka bukaanka lagu shubaayo iyo Xinjirowga Dhiiga.

Hadaba si loo yareeyo dhibaatooyinkaas waxaa la sameeyay Maalinta Badqabka Bukaanka si kor loogu qaado wacyigelinta bulshada iyo bahda caafimaadka si loo helo daryeel caafimaad oo ka badqaba halis iyo dhibaato bukaanka soo gaarta.

Maxaa Xal ah?

Sanadkan 2022 Halku dhiga Wacyigelinta waa “ Daawo aan dhib laheyn “Medication Safety” ” maxaa yeelay dhibaatooyinka ka dhasha daawooyinka waa kuwa ugu badan ee khatarta bukaanku wajaho. Khaladaadka waxay badankoodu dhacaan marka dhakhtarku daawada qoraayo, marka farmashiistaha bixinaayo ama marka bukaanka la siinaayo. Maxaa ka filee wadankeena oo systemka, tayada, aoonta bukaanka iyo sharciga dhamaan liitaan?; Taasi waxay ku tusee inaan u nuqul nahay halis tan dunida kale ka badan; hadaba maxaa lagu taliyaa nala gudboon si loo yareeyo halistaas:

  1. In kor loo qaado wacyigelinta bulshada iyo bahda caafimaadka si loogu baraarugo dhibka inta uu gaarsiisan yahay, looga hortago khatarda, korna loogu qaado tayeynta badqabka bukaanka
  2. In lagu baraarujiyo bulshada in si badqab ku jiro u isticmaalaan daawada sida inaysan iska soo gadan daawo iyo in aysan u qaadan si aan loogu tala galin (Tusaale Wadankeena: qof hergab qaba qalajiye iska soo gadanaayo)
  3. In mas’uuliyad guud la isi saaro ha ahaato bukaanka, bahda caafimaadka, ha’adaha dowliga iyadoo la raacayo tilmaamaha lagu yareeyo khatarta bukaanada ku dhacda.

References:

https://www.ncbi.nlm.nih.gov/books/NBK2681/

https://www.who.int/health-topics/patient-safety

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.