Ka Foojignaaw Sharoobooyinka Caruur badan dilay!
Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO) ayaa soo saaray digniin ku aadan dhowr sharoobo oo loo isticmaalo qufaca caruurta kuwaa oo ay soo saartay shirkad India ku taal.
Sharoobooyinkan oo laga isticmaalaay wadanka Gambia ayaa la tuhmayaa inay udhinteen 66 caruur ah oo la siiyay.
Sidoo kale Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa digniin iyo baraarujin kasoo saartay sharoobooyinkan sidaa daraadeed Fadlan Bahda Caafimaadka ha feejignaadaan sidoo kalana waalidiinta iyo bulshada dhamaan taxadar ha muujiyaan.
