Jabka Jilbaha (Knee Injuries)

Jabk Jilbaha (Knee Injuries)

Jilibka waa kala goyska u dhaxeeya boowdada iyo lugta. Jabka ka dhaca meeshaan wuxuu noqon karaa jabka Lafta boowdada ah (Femur), Jab laftayar ee Jilibka horadiisa ku taal (Patella) ama labada lafood ee ku jira lugta (Tibia & Fibula). Dhamaan lafahan jabkooda waxaa sababa jug xoog leh oo ku dhacda sida shil gaari.

Jabka lafta boowda (Femur Fracture): Laftani waa mida ugu weyn, ugu xoogan, uguna balaaran lafaha jirka sidaa daraadeed si fudud kuma jabto waxaana badanaa jabiya shil gaari ama mooto. Calaamadaha lagu garto jabkeeda waxaa kamid ah xanuun, barar, qalooc, qofka oo aan dhaqaajin karin ama ku socon karin. Daaweynta jabkan wuxuu ku xiran yahay da’da bukaanka iyo nuuca jabka, qaliinkana waxaa la sameeyaa hadii ay jiraan xaaladihii aan kusoo sheegnay qaybta xogta guud. Dhakhtarka ayaa mar kasto talada rasmiga dhiibaayo kadib markuu qiimeeyo xaalka bukaanka iyadoo bukaankuna go’aanka wax ku leeyahay.

Jabka lafta Kuraankurta (Patella): Laftani waa mid yar oo ku taal horada jilibka, badanaa waxay jabtaa markii qofka toos ugu dhufsado jilibka dhulka ama shil gaari. Waxaa lagu gartaa jabkeeda xanuun iyo barar jilibka ah iyo qofka oo laga yaabo inuusan jilibka kor u qaadi karin. Raajo ayaan lagu xaqiijiyaa jabka, Xalkuna wuxuu ku xiran yahay da’da bukaanka iyo nuuca jabka, qaliinkana waxaa la sameeyaa hadii ay jiraan xaaladihii aan kusoo sheegnay qaybta xogta guud. Dhakhtarka ayaa mar kasto talada rasmiga dhiibaayo kadib markuu qiimeeyo xaalka bukaanka iyadoo bukaankuna go’aanka wax ku leeyahay.

Jabka lafaha Lugta (Tibia & Fibula): Labada lafood ee lugta midi waa yartahay midna waa tan weyn ee horada lugta laga soo bilaabo jilibka hoostiisa ilaa anqawga ka kor la taaban karo. Labadan laf waxaa badanaa jaba mida weyn ee maqaarka kaliya horay ka daboolo. Jabka Laftan wuxuu noqon karaa mid xiran (Closed fracture) ama mid furan oo laftii ay maqaarka kasoo baxday (Open fracture).

Waxaa badanaa jabka laftan sababa shil gaari ama jug xoogan; Xalka daaweynta wuxuu ku xiran yahay nooca jabka iyo da’da bukaanka; Tusaale, hadii jabku uu yahay mid furan waa qaliin. Fadan aqri qaybta xogta guud oo aan kusoo sheeganay xaaladaha qaliinka la sameynayo.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.