Intramedullary Nailing vs Sliding Hip Screw in Trochanteric Fracture Management
Intertrochanteric Fractures are extracapsular hip fractures in which the fracture line extends between greater and the lesser trochanters.
Jabkan wuxuu ka mid yahay Hip fractures ka wuxuuna ku badan yahay dadka waayeelka ayna sabab u tahay Osteoporosis; sidoo kale wuxuu ku dhacaa dadka da’ dhaxaadka waxaana u sababa jug sida shil gaari.
Waxaa caadiyan Jabkan loo kala saaraa Stable iyo Unstable pattern iyadoo stable fractures ka lagu manage gareeyo Sliding Hip Screw ama loo yaqaan Dynamic Hip Screw (DHS) halka Unstable fractures kana lagu xaliyo Intramedullary Nail (IMN).
Waxay mudo dood ka taagneed goormaa la isticmaalaa DHS, goormaase la isticmaalaa IMN iyadoo sanadba sanadka ka danbeeyo ay soo baxayeen Cilmi baarisyo kala duwan oo Natiijadoodu iska ag dhowdahay.
Waxaa xusid mudan in ku dhawaad 25 RCT laga daabacay sida loo manage gareeyo IT fractures balse weli ay dood ka taagan tahay habka ugu fiican ee loo daweeyo. Waxyaabaha lagu doorto IMN waxaa kamid ahaa in blood loss keedu yaryahay, postop outcome ama return to function ka fiican yahay DHS ka iyo more stable inay tahay marka loo fiiriyo failures ka DHS ka lala xiriiriyo.
Cilmi baaristan cusub oo lagu magacaabo INSITE TRIAL laguna daabacay Journal ka JAMA Network Open bishii June 2023 ayaa authors-ka Schemitsch et al waxay baareen 850 bukaan oo laga kala diiwaan geliyay 25 isbitaal oo ku kala yaal 12 wadan oo kala duwan. Bukaanada ayaa ahaa 18 jir iyo ka weyn kana jaban Intertrochanteric-ga gaar ahaan wixii kasoo hara nuuca loo yaqaan reverse oblique pattern.
Bukaanada ayaa laba group loo qaybiyay 423 la geliyay IMN iyo 427 la geliyay DHS kadibna waxaa la baaray sanad kadib complications ka labada group sida health related quality of life, revision rate, fracture healing, adverse events, patient mobility iyo hip function.
Waxaana gaba gabadii la ogaaday in ay isku mid yihiin wax farqi ahna u dhaxeynin Isticmaalka DHS iyo IMN ee Intertrochenteric fractures gaar ahaan wixii kasoo hara reverse type.
Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.
Waxaa la Qoray
August 2023
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
