Impact of Routine Childhood Immunization in Reducing Vaccine-Preventable Diseases in the United States
Cilmi baaristan cusub oo lagu daabacay joornaalka American Association of Pediatrics ayaa waxa lagu baaray saameynta uu talaalka ku leeyahay hoos u dhaca Cudurada la talaalo ee Caruurta ku dhaca.
Cilmi baarayaasha waxay baareen 14 Cudur oo kamid ah cudurada talaalka looga hortago ee Caruurta ku badan sida Jadeecada, Xiiq dheerta, Cagaarshowga, Dabeesha, Oofwareenta iyo Teetanada.
Gabagabadii waxay ogaadeen in 17% ilaa 100% ay talaaladu yareeyaan halista uu qofka ku qaado cudurka.
Soomaaliya waxay ka mid tahay wadamada qaadashada talaalka uu yar yahay kuna badan yihiin Cudurada Talaalka lagu yareyn karo iyo Dhimashada Caruurta 5ta sano ka yar. Sidaa daraadeed maxaa nala gudboon bah Caafimaad iyo Bulshadaba?
