Doorashadii SMA & Dareenkeyga

Alxamdulilah,

Waa ilaahay mahadiis in ku dhawaad 1000 dhakhtar isku timid maanta oo Jimca ah 17ka Maarso 2023 si ay u dhisaan hogaanka Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo dhanka kale loo yaqaan Somali Medical Association (SMA).

Waxaa kaloo farxad ah in Golaha Cusub ee Fulinta oo ay hogaamineyso Dr.Luul laga filayo Guulo iyo Hor’umar badan maadaama Dr.Lul ay qaybo badan oo SMA ay wax la taaban karo ka qabatay.

Hambalyo Golaha Cusub ee Fulinta waxaana idiin rajaynaa Guul iyo SMA oo hadafkeedii gaarta.

Dhanka kale waxaan Dhakhaatiirey idin la wadaagaa waxyaabihii qaar ee aan wada aragnay doorshada inta ay socotay iyo maalmihii ka horeeyaba taas oo aan qoraalkan kooban ka qoray ujeedkiisuna yahay baraarujin aan aniga nafteyda ku bilaabayo.

Maxaan Aragnay?

1. Musharixiin fara badan una badan dhalin yaro. In kastoo dhakhtarka dhalinyarada ah leeyahay firfircooni, karti iyo xiiso hadana waxaa xusid mudan in Howlaha Ururada ay mudan yihiin inay hormuud ka noqdaan dhakhaatiirta senior ka si waaya aragnimadooda looga faaideysto iyadoo dhalin yaraduna la shaqeyneyso, wax ka baraneyso, raaceysana jaran jaro koriin kudhisan.

Laba qiso aan asxaabey idiin sheego: maanta mar aan doorashada kujirnay ayuu dhakhtar igu dhahay Soomaaliya kaliya ayay ka jirtaa in macalin iyo ardaygiisa isku adkeeyaan (Challenge), sida dad siman camalna u tartamaan. Waana xaqiiq.

Waxyaabaha aan la kulmay sideeda bil ee aan hogaaminayo Somali Orthopedic Association (SOA) waxaa kamid ah inaan meel shir ah isku baranay dhakhtar 70 jir aan ku qiyaasay kadibna aan si dhaafsanay kaarar, markuu arkay inaan ahay president of SOA wuxuu i dhahay “seriously” taasoo micnaheedu tahay in la iiga haboon yahay aniguna aan qiray kana garaabay tiro yaraanteena iyo meesha aan mareeno anigoo madaxa carada ka ceshanaaya. Balse taas waxay na tusee xaqiiqda u baahan inaan wajahno marka aan wax dhisaneeno.

Waxaan wax badan ku qaybsanaa 4.5 laakiin xirfada iyo shaqooyinka technical ka ahba ma galaan 4.5, kooxeysi iyo wax lamid ah waxayna u baahan yihiin suaashii ahayd ” Darajo iyo Xil yaa Mudan?”

Liiska Musharixiinta u taagan Golaha Fulinta ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed aya ka koobnaa 33 musharax iyadoo la rabo kaliya 7 xubnood inay ka soo baxaan!

Fadlan ka daawo Video-ga hoose doorashadii oo kooban  iyo Xubnaha 7da ah ee ku guuleystay doorashadan.

 

2. Xirfadlayaashii kale oo badankooda Dhakhaatiir wada noqday (sida sheybaariistihii, Kalkaaliyihii, Umulisadii, iwm).

Waxaan ka wada dhereg sanahay sheekada “waa dhameystirtay” taasoo ka jirta Soomaaliya kaliya una baahan inaan wadajir u saxno.

Aniga shaqsiyan rag badan oo saaxibadeey ahaa kuna ogaa xirfado kale oo waaweyn ayaan isla codeynay taasoo marna aan ku farxay marna aan ka naxay sabatoo ah boos loo baahnaa ayay baneeyeen waxa ku kalifayna waxaan ku qiyaastay in dhakhaatiirteenu kaliya qiimeeyaan dhakhtar, xirfadlayaashii kalana si ay karaamadooda u ilaashadaan ay wada dhakhtaroobeen.

3. In Qabyaaladii ay meel xun gashay oo in badan oo dhakhaatiirtii ah ay qabiil iyo siyaabo kaloo qurxooneen ba ay wax ku raadsanayaan. 

Waa Xaqiiq in Qabiilka uu kuligeen dhiigeena ku jiro laakiin maanta hadii aad xanuusato ma dhakhtar qabiilkeyga ah haley geeyo ayaad leedahay mise dhakhtarka ugu aqoonta iyo tayada badan? Su’aashan nin saaxiibkey ah ayaa nagu dhahay mar aan asxaabta qaar ololaha doorashada ka hadleynay.

Gudiga Fulinta ee SMA 2023-2025

4. Anshaxii aasaasiga iyo Professionalism kii oo dad badan ay ka tageen. 

Nidaamkii aasaasiga, Ismaqalkii, Isixtiraamkii, Wadajirkii, Wax isku ogolaashihii oo intaba liitay.

Waxaan wada xasuusanaa in dhakhtar kamid ah Dhakhaatiirta odoyaasha uu na weydiiyay su’aal ah “hadii qof dhakhtar ah, Jaamici ah uu sidaan u dhaqmayo maxaa laga filaa qof caadi ah”?

Waxaa xusid mudan in waxa noo hagaagay ay ka badan yihiin waxa naga qaldan, hadafkii ahaa in doorasho “Qof iyo Cod” ahna aan gaarnay balse ujeedada dhaliisha aan u sheegayo ay tahay inaan dib isku qiimeyno kadibna aan isi saxno.

Talooyin:

Waxaan soo jeedinayaa talooyinkan furan oo aan la wadaagayo bahda caafimaadka dhamaan iyo hay’adaha ay quseyso.

1. In SMA iyo Midowga Xirfadlayaasha kale ka wada shaqeeyaan ilaalinta iyo sharafta mihnadahooda si qof kasta ugu qanco xirfadiisa looguna ixtiraamo, yaraatana xirfadaha laga guuraayo sida kalkaalisanimada iyo shebyaarka.

2. In Hogaanka cusub ee SMA ka shaqeeyaan dhameystirka iyo ansixinta dastuurka cusub kaas oo meesha ka saari doona is kooxeysiga ku saleysan Jaamacadaha ama alliance nuucey rabaan ha noqdaane noona hagaajin doona wax badan oo naga dhiman.

3. In SMA iyo Jaamacadaha ka wada shaqeeyaan Xoojinta maadada Ethics ka ee ardada Caafimaadka la baro si loo helo dhakhtar muslim ah, anshax leh, tusaalana u noqon kara dhakhaatiirta, bulshaduna ku dayan karto.

4. In SMA ka shaqeyso dadajinto Sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka si loo saxo loona horumariyo waxa naga qaldan ee baahan shuruuc lagu xakameeyo.

5. In Dhamaan Dhakhaatiirta qaybaheeda kala duwan muujiyaan Midnimo ayna la shaqeeyaan Gudiga la dhisay iyadoo dhakhtar kasta meesha uu ku fiican yahay iyo waxa uu ururka ku biirin karo ku biiriyo.

Ugu danbeyn waxaan u mahad celinayaa Gudigii doorashada ee sida qurxoon u agaasimay howsha kuna bixiyay dadaal fara badan; Waxaana mar kale Guul, wadashaqeyn iyo SMA ahdaafteeda oo la gaaro u rajaynayaa Gudiga Cusub ee SMA.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.