Cudurka Ebola oo ka dilaacay dalka Uganda
Cudurka Ebola ayaa maanta oo Talaada ah la iclaamiyay inuu ka dilaacay dalka Uganda gaar ahaan magaalada Mubende oo ku taal bartamaha dalkaas ; Ebola waa cudur dhif ah kana mid ah cudurada sida dhaqsida ku faafaa.
Sida ay xaqiijiyay Machadka baaritaanada Virus yada ee Uganda waxaa xanuunkan laga helay nin 24 sano jir ah; baaritaankan ayaa la sameeyay kadib markii 6 qof ay isla bishan ku dhimatay magaalada iyadoo hada 8 qof oo la tuhmayo inay qabaan xanuunka lagu daaweynayo isla magaalada.
Cudurka Ebola waa xanuun dhif ah kaasoo meelo badan hada kahor ka dilaacay sida Sudan, Kongo iyo wadmo kale oo Afrika ah.
Xanuunkan waxaa lagu kala qaadaa dheecaanka qofka xanuusan oo gaara (meel jeexan) qofka caafimaad qaba sida kaadida, dhiiga, saxarada, iwm.
Calaamadaha Ebola: Bilaawga hore bukaanku waxaa lagu arkaa Qandho, Tabar-daro, Madax xanuun, Murqo Xanuun iyo Lalabo; Kadibna waxaa calaamadaha kusoo kordha Matag, Shuban, iyo dhibaatooyin ka imaada fuuq baxa sida (Kiliyaha oo shaqadooda gaba, Kaadida oo yaraata, Wasaqda oo jirka ku aruurta, Dhiig bax gudaha iyo banaanka jirka ka dhaca, iwm).
Baaritaanka & Daaweynta Ebola: Xanuunkan calaamadihiisa waxay u eg yihiin kuwa Tiifow-ga iyo Malari yada sidaa daraadeed Bukaan kasto oo la tuhmo waa in la Kaaraantiilaa kadibna dheecaanka la baaraa si loo xaqiijiyo.
Daawada waxaa ugu muhiimsan in la fuuq celiyo bukaanka oo faleembo la siiyo sidoo kalana la daaweeyo calaamadaha kale sida qandhada, iwm.
F.G: Ka hortaga ayaa ku Muhiimsan Daaweynta
Sidaa daraadeed Fadlan Taxadar oo ku dadaal Nadaafada, hadii aad calaamadaha kor ku xusanay tuhuntidna la xiriir Xarunta Caafimaad ee kuugu dhaw.
References:
https://www.afro.who.int/countries/uganda/news/uganda-declares-ebola-virus-disease-outbreak
