COVID19

COVID19 waa xanuun uu sababay Virus kaas oo laga soo gaabiyay “Coronavirus disease 2019” iyadoo loogu magac daray virus ka keena iyo sanadka xanuunku dilaacay oo ahaa dhamaadkii 2019 kana bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka China.

Calaamadaha lagu yaqaan COVID19 waxaa ugu caansan: Qufac daran, qandho, kor xanuun ama murqa xanuun, daal, diif, madax xanuun, urinta iyo dhadhanka oo yaraada iyo calaamado kale.

Calaamadaha qofka iyo darnaanta xanuunka ku dhacaya waxay ku xeran tahay difaaca jirka ee qofka, da’diisa, inuu qabo xanuuno kale iyo in kale. Dadka waayeelka iyo kuwa difaacoodu hooseeyo ayaa ah kuwa uu aadka usoo rito xanuunkan uguna badan ee u dhinta sidoo kale dadka qaba xanuunada raaga sida Sokorta, Neefta, Wadna xanuunka, iwm.

Waxaa lagu kala qaadaa xanuunkan hawada sida qof qaba inuu kugu ag qufaco, ku gaaro qoyaan afkiisa ama sankiisa ka yimid sida hindhisada (Salaanta oo kale) kadibna aad wejiga la aadid gacanta. Sidaa daraadeed waxaa lagu yareeyaa faafida xanuunkan in lakala fogaado oo 2meter la isku jirsado, in Mask la xirto, in qofka markuu qufacayo uu xusulkiisa intuu laabo ku qufaco, in meelaha qoyaanka gaaro la iska nadiifiyo, iwm. Sidoo kale waxaa muhiim ah qofkii isku arka calaamadaha COVID19 inuu is kaarantiilo.

Talaalka COVID19 ayaa sidoo kale la aamin sanyahay inuu aad u yareeyay faafista xanuunka iyo sida daran uu dadka usoo rito marka uu ku dhaco. Hadaba Is talaal hadii aadan talaalneen.

Daawada Xanuunkan waa Kaalmaati iyadoo waxa la daaweynayo ay tahay dhibaatooyinka ka dhashay virus-ka sida oof wareen, neefta oo qof ka dhibta. dadka badankoodana waxaa la siiyaa daawooyin saacida difaaca jirka iyo kaalmaatiyo kale.

Fadlan Daawo Wacyigelinta COVID19 oo Dr.Sayid uga hadlayo xog faahfaahsan oo ku saabsan COVID19. 

Fadlan booqo Qaybaha kale ee Bukaanka si aad uga bogato Wacyigelin iyo Warbixino kale oo wax badan ku ifin doona.

Waxaa la Qoray

August 2022

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Xogta waxaa laga soo xigtay UpToDate

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.