Consensus Guidelines on the Management of Musculoskeletal Infections affecting Children

 Infekshanda ku dhaca Caruurta sida Septic Arthritis, Osteomyelitis, Discitis iyo kuwa kale ee Lafaha iyo Murqaha hadii aan xili hore la ogaan lana daaweyn waxay sababi karaan dhaawac gaara lafta, kala goyska ama xubita infekshan ka ku dhacay taasoo horseedi karta in ilmuhu naafoobo.

Infekshana qaar caalamado daran oo dhaqso soo muuqda ayay leeyihiin qaarna waa ay daahaan xanuuno kale ayaana lagu qaldaa, inta ilmaha la wareejinaayo isbitaalada kala duwana wuxuu u nugul yahay in infekshan ka dhibaato gaarsiiya kala goyskii ama laftii.

Hadaba si Caruurta dhamaan u helaan daryeel ku sax ah, Xili horana loo geeyo meesha ku haboon waxay Dhakhaatiirta British Society of Children’s Orthopedic Surgery (BSCOS) sameeyeen Habraac loo maro Baarista iyo Daaweynta Xanuunada MSK Infectionska Caruurta.

Summary of the Study

Maxaa la Sameeyay (Methods)

12 Dhakhtar oo Pediatric Orthopedic surgeons ah oo ka kala socda Isbitaalo kala duwan oo UK ku yaala ayaa Literature review sameeyay.

Kadibna  waxay sameeyeen Consensus (43 statements) ku saabsan 3 qodob:      

1. Assesment, Investigation & Diagnosis   2. Treatment  3. Service & Pathways

 

Kadibna waxaa 43 Consensus Statements kii loo diray Dhamaan Members ka BSCOS si ay usoo doortaan qodobada Guideline ka lagu daraayo iyo kuwa laga reebaayo

Maxaa la Ogaaday (Results)

133 iyo 109 Pediatric Orthopedic Surgeons ayaa ka qaybqaatay labadii wareeg ee Delphi Survey ga

Waxayna ugu danbeyn isku raaceen 40 kamid ah 43 dii Consensus statement 

Waxaa Statement waa la isku raacay la dhihi karay kaliya markii 75% Dhakhaatiirta ay isku raacaan in Guideline ka lagu daro

Gaba gabadiina 40 ka Statement ee la isku raacay ayaa lagu daray BSCOS Guideline

Table ka kore ayaa soo koobaya Summary ga 40 ka Statement ga ee la isku raacay

Maxaa la isku raacay (Conclusion)

Waxaa Ururka Dhakhaatiirta Qaliinka Lafaha Caruurta iyagoo la tashanaayo Dhakhaatiirta Caruurta, Kuwa Allergy-ga iyo kuwo kalaba soo saareen 40 Qodob oo ku saabsan qaabka loo wajaho Baaritaanka iyo Daaweyna Ilmaha Musculskeletal Infections ka qaba

Consensus Guideline kaan ayaa ah mid la isku halayn karo maxaa yeelay waa qodobo ay ka baaraan degeen ayna isku raaceen in kabada 100 dhakhtar oo Pediatric Orthopedic Surgeons ah.

Guideline kan ayaanan ku ekeyn UK oo waxaa lagu isticmaali karaa meelo badan oo ay Somalia ka mid tahay inkastoo meelaha qaar iyo talooyinka lasoo jeedinayo aysan ku habooneyn Somalia.

Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka lagu update gareeyo; Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.

Waxaa la Qoray

August 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.