AAOS Clinical Practice Guideline Summary on the Treatment of Clavicle Fractures
Clavicle Fractures waa jab kamid ah kuwa ugu badan ee ku dhaca dadka kuna sii badan dhalin yarada.
Jabkan wuxuu badanaa ka imaad jug toos ah oo ku dhacda garabka ama kalxanta.
Waxaa loo qaybiyaa jabka Clavicle ka 3 nooc: Lateral third, Middle third iyo Medial third fractures iyadoo nooca ugu badan yahay Middle third fractures
Su’aasha waxay tahay goorma ayaa qofka ka jaban Clavicle la qalaa goorma ayaase Shakaal iyo waxyaabaha kale ee Conservative treatment ga lagu xalinaa?
American Academy of Orthopaedic Surgeons (AAOS) ayaa Guideline kan ansaxiyay bishii December 2022 waxaana summary ga guideline kan lagu daabacay journal ka (JAAOS).
Guideline kan sameyntiisa waxay ka timid review lagu sameeyay in ka badan 3,000 abstract iyo 300 full article iyadoo laga soo saaray 4 recommendation oo mid kamid ah tahay High strength sadaxda kalana yihiin Moderate strength.
Recommendations ka kasokow waxaa lasoo saaray 10 treatment options kuwaas oo laba kamid ah yihiin consensus halka sideeda kalana yihiin limited strength recommendations.
Strong Receommendation ka ayaa ah in Qaliin lagu sameeyo bukaanada dadka waaweyn ee kalxanta qaybteeda dhaxe ka jaba ay raysashadooda/lafta inay kabanto ka fiican tahay kuwa aan la qalin. Taasi micnaheeda maahan in bukaan kasto la qalayo balse dhakhtarku iyo bukaanka ay ka wada tashanayaan ayna dooranayaan qaliin ama qaliin la’aan maxaa yeelay labadoodaba way ka siman yihiin long term patient reported outcomes iyo patient satisfaction.
Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka, Bukaanada Soomaaliyeed iyo Ehelkoodaba lagu update gareeyo ama fahan siiyo Xanuunada kala duwan ee Lafaha & Kala goys yada. Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan.
Waxaa la Qoray
September 2023
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Digniin: Xogta kore waa Evidence based Recommendations balse mar kasta Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
