Khudbada Jimcaha: Dhibaatada Falastiin ka jirta (20 Oct 2023)
𝐍𝐮𝐱𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐊𝐡𝐮𝐝𝐛𝐚𝐝𝐚:
Shacabka Falastiin waa dad dulman oo Naftooda, Dhulkooda, Maalkooda iyo Sharaftooda lagu soo duulay ugana baahan umada Muslimiinta inay u gar gaaraan sida uu Allah yiri:
وإن استنصروكم في الدين فعليكم النصر إلا على قوم
بينكم وبينهم ميثاق والله بما تعملون بصير
Iyo sida uu yiri Nabigeena SCW marka uu ka hadlaaye sida ay isugu damqadaan xiliga dhibaatada:
المؤمن للمؤمن كالبنيان يشد بعضه بعضًا
Sida aan wada Ognahay Shacabka Falastiin mudo dheer ayay kujiraan Gumeysi, Go’doon, Dil, Xabsi iyo Caga jugleyn ay kala kulmaan Yahuuda oo garab ka helaaya Gaalada kale halka ay Umadii iyo Madaxdii Muslimiinta ay fiirsanayaan kan ugu fiicana uu cambaareyn kaliya lasoo taagan yahay.
𝐗𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐞𝐞 𝐀𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐳𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐅𝐚𝐥𝐚𝐬𝐭𝐢𝐢𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐦𝐮𝐬𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐨𝐨𝐧 𝐰𝐚𝐚 𝐮𝐮𝐧 𝐥𝐚𝐛𝐚 𝐦𝐢𝐝:
1. In qofkii Allah iyo Bani aadanimo ku danbeyso ka damqado, taageerana u muujiyo umadaas dhibaateysan ee reer Falastiin ama
2. In Munaafaqnimo ama uu Cadeysto qofka oo uu Israaiil iyo Mareykan dhinac kala soo jeesto
𝐈𝐥𝐚𝐚𝐡 𝐰𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲:
إن الله جامع المنافقين والكافرين في جهنم جميعا
Fikirka ah Xamaas ayaa dagaalkq bilaawday ee horta ayada hala cambaareeyo waa mid dadka lagu ilaawsiinayo in Israaiil ay tahay mida dhulka xooga ku haysata, marba marka ka danbeysana si xoog iyo naxariis daro ah u bara kicineysa shacabka reer Falastiin.
Duqeynta iyo Xasuuqa ay ka geysteen Ciidanka Israaiil Isbitaalka ayna ku dhintaan 500 oo qofood waxay cadeyn u tahay Naxariis darada iyo dulmiga ay Israaill ku hayso shacabka Falastiin waxaase kasii daran in Warbaahintii reer galbeedka ay si kale u tarjumayaan ayna ka been sheegayaan xaqiiqda.
𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚𝐢𝐢𝐥 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐜𝐢𝐫𝐢𝐛 𝐭𝐢𝐫𝐭𝐨 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐛𝐚𝐚𝐛𝐢’𝐢𝐬𝐨 𝐅𝐚𝐥𝐬𝐭𝐢𝐢𝐧𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 balse Ilaahey wuxuu yiri
كم من فئة قليلة غلبت فئة كثيرة بإذن الله والله مع الصابرين
Waxaa Cajiib ah in Mareykanka iyo Reer galbeedka badankiisa ay garab istaag iyo Hub isugu dareen Israaiil halka ay diidan yihiin in Gargaar bani aadanimo la gaarsiiyo masaakiinta bara kacay iyadoo dhanka kalana ay hogaankii wadamad muslimiinta ay fiirsanayaan dulmigaas.
Marka aad xaalkaas aragto oo aad ka niyad jabto waxaa kugu soo dhacaya aayadan:
حَتَّىٰ إِذَا اسْتَيْأَسَ الرُّسُلُ وَظَنُّوا أَنَّهُمْ قَدْ كُذِبُوا جَاءَهُمْ نَصْرُنَا فَنُجِّيَ مَن نَّشَاءُ ۖ وَلَا يُرَدُّ بَأْسُنَا عَنِ الْقَوْمِ الْمُجْرِمِينَ
Marka 𝐢𝐧𝐬𝐡𝐚𝐥𝐚𝐡 𝐠𝐮𝐮𝐬𝐡𝐚 𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐞𝐲 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐰.
Haka walwalin hubka iyo garab istaagaa ay Mareykanka iyo reer galbeedka u muujiyeen israaiil. Waxna kama qaadi karaan guushana dadka reer Falastiin ayay u sugnaan doontaa sida uu ilaahey sheegay:
إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا يُنْفِقُونَ أَمْوَالَهُمْ لِيَصُدُّوا عَنْ سَبِيلِ اللَّهِ فَسَيُنْفِقُونَهَا ثُمَّ تَكُونُ عَلَيْهِمْ حَسْرَةً ثُمَّ يُغْلَبُونَ وَالَّذِينَ
كَفَرُوا إِلَى جَهَنَّمَ يُحْشَرُونَ
Ilaahey wuxuu u balan qaaday Muslimiinta in guusha iyo Maamulka ayaga ku danbeyn doonto sida ku cad aayadan:
وَعَدَ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا مِنكُمْ وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَيَسْتَخْلِفَنَّهُمْ فِي الْأَرْضِ كَمَا اسْتَخْلَفَ الَّذِينَ مِن قَبْلِهِمْ وَلَيُمَكِّنَنَّ لَهُمْ دِينَهُمُ الَّذِي ارْتَضَىٰ لَهُمْ وَلَيُبَدِّلَنَّهُم مِّن بَعْدِ خَوْفِهِمْ أَمْنًا ۚ يَعْبُدُونَنِي لَا يُشْرِكُونَ بِي شَيْئًا ۚ وَمَن
كَفَرَ بَعْدَ ذَٰلِكَ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ
𝐔𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐬𝐥𝐢𝐦𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐪𝐨𝐟 𝐤𝐚𝐬𝐭𝐚 𝐨𝐨 𝐁𝐚𝐧𝐢’𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐦𝐨 𝐤𝐮𝐣𝐢𝐫𝐭𝐨 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐨𝐨𝐧 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐦𝐪𝐚𝐝𝐨, 𝐝𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐚 𝐤𝐚 𝐦𝐮𝐮𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐚𝐬𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐚𝐲𝐨 𝐫𝐞𝐞𝐫 𝐅𝐚𝐥𝐚𝐬𝐭𝐢𝐢𝐧.
Allaha u naxariisto oo gargaaro walaalaheen reer Falastiin, Ilaaheyna Hogaanka iyo Umada Muslimiinta ha mideeyo. Aamiin
اللهم صلي على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، وبارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.
Waxaa la Qoray
October 2023
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Baraarujin: Allaha nagu anfaco waanada oo na waafajiyo Xaqa meel kasta oo aan joogno. Aamiin.
