Khudbada Jimcaha: Qabriga (27 Oct 2023)

Dhamaanteen waxaa booqanay Qabri oo dad aan jecelnahay, ehel, asxaab ayaan wax kasoo aasnay ama Janaazo ayaa ku dukanay ee 𝐌𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚𝐚 𝐪𝐨𝐟 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚𝐚𝐬 𝐝𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐢𝐢 𝐛𝐚𝐝𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐚𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚, 𝐊𝐢𝐛𝐢𝐫𝐤𝐢𝐢, 𝐅𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢, 𝐐𝐮𝐫𝐮𝐱𝐝𝐢𝐢, 𝐐𝐚𝐛𝐢𝐢𝐥𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐦𝐚 𝐰𝐚𝐱 𝐮𝐮𝐧 𝐥𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐛𝐫𝐢𝐠𝐚.
Waa MAYA, waxa kaliya ee dhamaan u haray waa Camalkoodii (Wixii ay shaqeysteen aduunka oo Camal wanaagsan ahaa). Ilaahey wuxuu yiri:
‎وَأَنْ لَيْسَ لِلْإِنْسَانِ إِلَّا مَا سَعَى
Sidoo kale Allah wuxuu yiri:
يَوْمَ تَجِدُ كُلُّ نَفْسٍ مَّا عَمِلَتْ مِنْ خَيْرٍ مُّحْضَرًا وَمَا عَمِلَتْ مِن سُوءٍ تَوَدُّ لَوْ أَنَّ بَيْنَهَا وَبَيْنَهُ أَمَدًا بَعِيدًا ۗ وَيُحَذِّرُكُمُ اللَّهُ نَفْسَهُ ۗ وَاللَّهُ رَءُوفٌ بِالْعِبَادِ
Qabrigu waa meel Transit ah oo u dhaxeysa Aduunyada iyo Aakhirada. Deegaan ahaan dhulka ayuu ku yaal, Zaman ahaana waa waqtiga dunida laakiin dadka kujira qabriga waxaa ku socota xisaabtii Aakhiro. Qabrigu waa meesha ugu horesya ee xisaabta Aakhiro kabilaabato qofkana qabrigiisa uu u noqonayo god raaxo iyo Janada ugu furan ama mid Cadaab ah oo Naarta u furan.
Nabigeena SCW waxaa laga wariyey Xadiith uu dhahay
‎إِنَّمَا الْقَبْرُ رَوْضَةٌ مِنْ رِيَاضِ الْجَنَّةِ أَوْ حُفْرَةٌ مِنْ حُفَرِ النَّارِ
Waxaa sidoo kale Nabigeena SCW laga wariyey Xadiith dheer oo Baraa Bin Caazib uu ka wariyey. Nuxurka Xadiithka ayaa ah waxa uu qofka la kulmayo marka qabriga la geliyo iyo isla markiiba iyadoo uu sii maqlayo shanqarta kabaha dadkii aasay sida su’aalaha loogu bilaabayo.
 
‎عن البراء بن عازب رضي الله عنه ، قال: خرجنا مع رسول الله صلى الله عليه وسلم في جنازة رجل من الأنصار، فانتهينا إلى القبر ولمَّا يُلْحَد، فجلس رسول الله صلى الله عليه وسلم وجلسنا حوله كأنما على رءوسنا الطير، وفي يده عود يَنكتُ به في الأرض، فرفع رأسه، فقال: «استعيذوا بالله من عذاب القبر» مرتين، أو ثلاثا، زاد في رواية: “وإنه ليسمع خَفْقَ نعالهم إذا وَلَّوا مُدْبِرين حين يقال له: يا هذا، من ربك؟ وما دينك؟ ومن نبيك؟” قال هناد: قال: “ويأتيه ملكان فيُجلِسانه فيقولان له: من ربك؟ فيقول: ربي الله، فيقولان له: ما دينك؟ فيقول: ديني الإسلام، فيقولان له: ما هذا الرجل الذي بُعث فيكم؟” قال: “فيقول: هو رسول الله صلى الله عليه وسلم ، فيقولان: وما يُدريك؟ فيقول: قرأتُ كتاب الله فآمنت به وصدقت،
Sidoo kale Asxaabta qaar sida Cusmaan bin cafaan ayaa marka ay qubuuraha tagaan aad u oyn jiray ilaa ay ilintu ka buuxiso garkooda, markaas baa Cusmaan bin cafaan la weydiiyay Jano iyo Naar marka laga hadlo ma oyside maxaa uga ooysaa Qabriga? Markaasuu dhahay waxaan maqlay Rasuulka Ilaahey oo dhahaya “𝐐𝐚𝐛𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐚 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐀𝐚𝐤𝐡𝐢𝐫𝐚𝐝𝐚, 𝐐𝐨𝐟𝐤𝐢𝐢 𝐤𝐮 𝐛𝐚𝐝𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐚 𝐰𝐢𝐱𝐢𝐢 𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐧𝐛𝐞𝐞𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐲 𝐮 𝐟𝐮𝐝𝐮𝐝𝐚𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧, 𝐐𝐨𝐟𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐢𝐧𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐢𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐨 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐮𝐠𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐛𝐚𝐚𝐭𝐨 𝐤𝐚𝐬𝐢𝐢 𝐰𝐞𝐲𝐧”.
‎كان عثمان إذا وقف على قبر بكى حتى يبلَّ لحيته، فقيل له: تذكر الجنة والنار فلا تبكي، وتبكي من هذا؟ فقال: إن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: القبر أول منازل الآخرة، فإن يَنجُ منه، فما بعده أيسر منه، وإن لم يَنجُ منه، فما بعده أشد منه
Sidoo kale Nabigeena SCW wuxuu dhahay Qabrigu waa Ciriiri wof kastana ciriir ku ah haduu qof ka bad baadayana waxaa ka badbaadi lahaa Sacad Bin Mucaad:
‎للقبرِ ضغطةٌ لو نجا منها أحدٌ لنجا منها سعدُ بنُ معاذٍ
𝐀𝐬𝐛𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐛𝐫𝐢𝐠𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡: Zinada, Isku dirka, Dulmiga, Ribada, Xanta, Beenta, Quraanka oo laga tago iyo ku xadgudubka dadka kuwaas oo kamid ah waxyaabaha ay dadka fududeystaan.
𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐝𝐛𝐚𝐚𝐝𝐚𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐛𝐮𝐥 𝐪𝐚𝐛𝐫𝐢𝐠𝐚 in Ilaahey loo Towbad keeno, Cafisna la weydiisto wixii bani aadam xaq laga galay ama loo celiyo wixii laga dulmiyay.
Allaha noo fududeeyo Qabriga noogana dhigo mid raaxo iyo Jano ah.
‎اللهم إنا نعوذ بك من عذاب القبر، ومن عذاب النار، ومن فتنة المحيا والممات، ومن فتنة المسيح الدجال
اللهم صلي على محمد وعلى آل محمد، كما صليت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، وبارك على محمد وعلى آل محمد، كما باركت على إبراهيم وعلى آل إبراهيم، إنك حميد مجيد.

اللهم امكر لنا ولا تمكر علينا، واعنا ولا تعن علينا، واهدنا سواء الصراط. اللهم املأ قلوبنا وقلوبهم بالإيمان واليقين، اللهم اجعلنا أغنى الأغنياء بك وأفقر الفقراء إليك، ولا تجعل لنا إلى سواك حاجة، وأغننا اللهم بفضلك عمن أغنيته عنا يا رب العالمين! أغننا اللهم بحلالك عن حرامك، وبفضلك عمن سواك.أمين.

Waxaa la Qoray

October 2023

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Baraarujin: Allaha nagu anfaco waanada oo na waafajiyo Xaqa meel kasta oo aan joogno. Aamiin.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.