Talooyin Semester-ka Cusub Ma Sameysatay Qorshe, Makuu bilaabmay Semester Cusub? 10 kaan Talo waa kuwo aan sanad walba siiyo ardada marka aan xisada koowaad ee Semesterka u galaayo hadaba ka faa’ideysi wacan. 1. Sameyso Qorshe sida jaamacadaba ay kuugu dajisay Academic Time table. Dib u fiiri wixii kuu hagaagay iyo wixii kaa Qaldamay semesters kii dhamaaday oo wax ka baro. 2. Ku bilaaw semesterka Firfircooni. Si joogta ah wax u Aqri oo haku tashan maalinta u danbeysa iyo marka uu Imtixaanka soo dhaw yahay. 3. Wax ka aqri Buuga Reference ga maadada ee haku tiirsanaan PPT kaliya, sidoo kalana dhowr meel wax ka aqri haduu waqtiga kuu saamaxo. 4. Asxaabtaada wax la aqriso, ka dooda oo isweydiiya su’aalo. 5. Mar walba waxa aad aqrineyso ku xer Clinical correlation kooda. 6. Wixii aadan fahmin Weydii saaxiibkaa iyo Macalinka. 7. Ixtiraam Macalinka oo la saaxiib, Ixtiraam ardada kale oo kaalmeey kan liita, lana saaxiib kan kaa roon. Ilaali Anshaxa Fasalka. 8. Ujeed kaaga yuusan noqon buundo iyo hebel ka kormar ee ha noqdo inaad aqoon iyo waxaad fahad santahay ka qaadato macalinka. 9. Nafsadaada ha ilaawin, hurdo fiican hel, quraac fiican cun, biyo badan cab, Aakhiradaadana ka war qab. 10. Ha ilaawin Ujeedkii aa Caafimaad ka usoo gashay, ku kalsoonaaw Naftaada kana runsheeg yoolkaaga oo mar kasta iyo meel kasta dadaal. Guuleysta oo Gaara Hamigiina Inshalah. Dr.Sayid wuxuu qoray Maqaalo badan kuwaas oo ujeedku yahay in Bahda Caafimaadka lagu update gareeyo; Fadlan Booqo Qaybta Bahda Caafimaadka si aad aqrisato Articles badan. Waxaa la QoraySeptember 2023 Waxaa QorayDr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera Digniin: Xogta kore waa La talin iyo Dhiiri gelin loogu tala galay Ardada Caafimaadka. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.