Dhaawacyada Gym-ka
Qof kasta oo naga mid ah Gym-ka sabab ayuu u aadaa! Balse waxaa laga siman yahay Ujeedada ugu weyn oo ah in qofku ka helo Xoog, Firfircooni, Qurux iyo Caafimaad.
Qormadaan dheer oo dhowr qayb ah waxaa uga hadli doonaa Dhibaatooyinka & Dhaawac yada ugu badan ee Qofka gym-ka ku jira la kulmi karo iyo waxa la gudboon dhaawac walba.
Qaybtan koowaad waxaa uga hadli doonaa 3 dhaawac oo kamid ah kuwa ugu badan ee gym leyda ku dhaca.
1. Murqo Xanuun: Qofk kasta oo Gym bilaaba waxa ugu horeeya ee uu dareemo waa Murqo Xanuun.
Waxaa caadi ah in qofku dareemo murqo xanuun marka uu aalmiiteeyo sida markuu ordo, baaskiilka kaxeeyo, biro qaado, iwm. hadaba xanuunka aad dareemeyso maalin ama maalmo kadib marka aad jimicsiga sameysay waa mid caadi ah; Muruqa qofka xanuunayana wuxuu ku xiran yahay nuuca jimicsiga uu sameeyay iyo murqaha uu isticmaalay.
Waxaase caadi ahayn Xanuun daran oo qofku u dareemayo si joogta ah kana sii daraya hadii uu jimicsiga sii sameeyo taasina waxay ka tarjumi kartaa dhaawac ku dhacay muruqa. Dhaawacyada ku dhaca Murqaha waxaa loo qeybiyaa 3 nuuc oo kala ah: Dhaawac muruqii ah, Dhaawac Muruqa iyo Seedka meesha ay iska galaan ah iyo Dhaawac Seedka ah. Calaamadaha uu qofku dareemayo waxay ku xiran yihiin meesha uu dhaawaca kajiro iyo in dhaawaca uu yahay dilaac yar ama kala go’itaan dhameystiran.
Waxaa ugu muhiimsan ee la gudboon qofka aalmiiteynaya hadii uu dareemo Xanuun daran waa inuu Joojiyaa Jimicsiga dhibaya, Nasiyaa xubintaas, Baraf iska saar saaraa kadibna maalmo kadib xanuunka hadii uu sii jiro la tashtaa dhakhtar.
Xalka Guud waa ka hortag, si aadan u dhaawac min waxaa muhiim ah mar kasta aad tartiib ku bilaawdo gymka ama jimicsi walbo oo kugu cusub, ku bilaaw miisaan fudud, tartiib tartiibna u kordhi, inta aadan jimicsiga bilaabin is kululeey (warm-up) marka aad dhameysidna iskala bixi (stretch). Waxaa kaloo muhiim ah inaad hesho qof ku haga ugu yaraan inta aad cusub tahay.
2. Biceps Injuries: Murqaha ugu horeeya ee dadka gym ka bilaaba ay dhistaan waxaa kamid ah Muruqa gacanta horadeeda ku yaal ee loo yaqaan Biceps.
Muruqa Biceps ka ayaa ah muruqa laaba Suxulka / Xusulka wuxuuna kamid yahay murqaha ugu horeeya ee gymka la dhisto.
Qaybta kore wuuxu ku leeyahay labo seed oo ah meesha uu muruqa kasoo fuqo halka hoos uu ku leeyahay hal seed.
Muruqan wuxuu badanaa ka dhaawac maa3 meel:
1. Qaybta kore ee Seedka ahna meesha uu kasoo fuqo oo dhaawac gaaro (Tendinitis) balse aan go’in
2. Qaybta kore ee Seedka oo go’da
3. Qaybta hoose ee seedka ahna meesha uu ka galo Suxulka oo go’do
Dhamaantood dhaawac yadaas waxaa horseedi kara qofka oo culeys ka tan badan qaada (Fiiri Video-ga).
Nuuca koowaad (Biceps Tenditis) oo Seedku uusan go’in balse dhaawacmay waxaa sababa culeys ka tan badan oo lagu cel celiyo ama lagu qaado muruqii laakiin weli u adkeysto muruqa laakiin sababta qaybo yar yar oo seedkii ah inay dilaacaan. qofka dhibkan qaba weli culeys wuu ku qaadi karaa muruqa laakiin mar kasta oo uu laabo suxulka xanuun ayuu dareemaa.
Nuuca Labaad iyo Sadaxaad oo Seedku go’ay waxa uu qofku dareemaa xanuun qaybta kore ama hoose ee muruqa ah, awooda oo yaraata, kuus laga arko meesha go’an, meesha oo gaduudata iyo calaamado kale oo ku xiran dhaawaca inta uu la eg yahay.
Xalka dhaawacan waxa uu ku xiran yahay dhibka inta uu la egyahay waxayna noqon kartaa xanuun baabi’iye iyo nasiino ama qaliin iyo physiotherapy.
3. Dhaawaca Murqaha Garabka (Rotator Cuff Injuries): Muruqa ugu weyn uguna muuqda garabka waa Deltoid balse dhaawacyada aan ka hadleeno ma ahan muruqaas ee waa kuwo kale oo kujira garabka (Rotator cuff).
Dhaawacyada ku dhaca seedaha Murqaha loo yaqaan Rotator Cuff waxay kamid yihiin kuwa ugu badan ee dadka gymka ku dhaca waxaana badanaa sababa culeys badan oo madaxa ka kor loo qaado (Overhead).
Murqahan waxay ka kooban yihiin 4 muruq balse midka ugu badan ee dhaawacma waxaa loo yaqaan Supraspinatus.
Dhaawaca Seedka Supraspinatus waxaa ugu muhiimsan oo lagu gartaa Xanuun marka gacanta madaxa kakor loo qaado. Xanuunkana wuxuu daran yahay marka gacanta ay dhax sii mareyso iyadoo xanuunku yar yahay ama uusan jirin marka kor la geeyo ama inta aan la qaadin gacanta.
Xalka dhaawacyada Supraspinatus ka waxay ku xiran tahay ma go’ay seedka mise waa dilaac yar. badanaa bukaanka haduusan darneed awooda gacantana ay fiican tahay waxaa ku filan nasiino, xanuun baabi’iye iyo baraf la saar saaro meesha kadibna marka xanuunka yaraado physiotherapy loo sameeyo. hadiise xanuunka daran yahay ama awooda muruqa ay saameyso waxaa haboon in scan la saaro si loo ogaado dhibka inta uu la eg yahay kadibna la xaliyo daaweyn ama qaliin nuucii ku haboon.
Lasoco Qaybaha kale dhawaan Inshalah………
Dr.Sayid wuxuu qoraa Maqaalo ku saabsan Xanuunada Lafaha iyo kuwa kale ee ku badan Somalia kuwaas oo ujeedku yahay in Bukaanada Soomaaliyeed iyo ehelkooda ay helaan Xog ku filan; Fadlan Aqriso in ka badan 100 maqaal oo ku saabsan Wacyigelin.
Waxaa la Qoray
August 2023
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
