Infekshanada ku dhaca lafaha ama kala goysyada waxay noqon karaan kuwa toos ugu dhaca ama kuwa ka imaada qaliin ka dib.
Caruurta yar yar waxaa aad ugu badan Infekshanada ku dhaca kala goysyada Jilibka iyo sinta iyadoo dadka waaweyn sidoo kale ku badan yihiin Infekshanada Jilibka iyo lafaha dhaadheer; Dhamaan infekshanadan waa halis waana in qofka uu isbitaalka deg deg u tagaa si daaweyn ama qaliin loogu sameeyo.
Dr.Sayid wuxuu daaweyn iyo qaliin u sameeyaa xanuunadana wuxuuna ku guuleystay bukaano la il darnaa xanuunadan iyadoo qaarkoodna ay burbureen lafaha qaar loona buuxiyay.