Tiibishada Lafaha
Tiibishada Lafaha & Kala goysyada waa Xanuun ku dhaca Laf dhabarta ama Kala goysyada Jirka kaas oo ay sababto Bakteeriya la dhaho “Mycobacterium Tuberculosis”.
Tiibishada badanaa waxay ku dhacdaa Sanbabaha balse meesha labaad oo ay ku dhacdo waa Lafaha iyo Kala goysyada iyadoo Laf dhabartu tahay lafta ugu badan oo ay saameyso. Kala goysyada waa meesha labaad ee Laf dhabarta kusoo xiga iyadoo badanaana kala goysyada waaweyn ay ku dhacdo sida Jilbaha, Sinta, iwm.
Laf dhabarta badanaa waxay uga dhacdaa qaybta feeraha gadaal uga aadan (Thoracic Vertebra) iyo kuwa ka hooseeya (Lumbar Vertebra).
Calaamadaha lagu garto Tiibishada Laf dhabarta waxaa ugu weyn Xanuun Dhabarka ah, Xanuunkaas oo ku kooban meel ama meelo kooban, qofkana uu tilmaami karo. Waxaa la socda badanaa calaamado ay ka mid yihiin Qandho, Miisaanka oo yaraada, Abitaayt xumo inkastoo calaamadahaan ay cuduro badan leeyihiin.
Hadii Xanuunku mudo jiro wuxuu sababi karaa laguna arkaa bukaanka Calaamado ay ka mid yihiin Dhabarka oo horay qaloocda (sida qof tuur leh) iyo Qofka oo aad u caatooba.
Waxaa lagu ogaadaa Xanuunkan Calaamadaha bukaanka (inkastoo ay waqti qaadato in dhakhtarku go’aansado in bukaanka Tiibishada Laf dhabarta qabo); Waxaana lagu xaqiijiyaa in Xanuunku yahay Tiibisho ama wax kale in Laf dhabartii Infekshan-ka ka jiray laga qaado cad ama dheecaan kadibna loo diro Sheybaarka kadibna inta la abuuro bacteeriyadii lagu arko.
Mararka qaar Dhakhtarku wuxuu go’aanka ku gaaraa Calaamadaha bukaanka, mudada uu xanuusan yahay iyo tilmaamaha lagu arko raajada lafta la saaray.
Waxaa xusid mudan in Xanuuno kale sida Infekshanka lafaha (Osteomyelitis), Buruseela (Brucellosis), Jab iyo Burooyinka ay keeni karaan dhabar xanuun loona baahan yahay in la xaqiijiyo waxa uu bukaanka qaba inta aan la iska dhihin Tiibisho Laf dhabarka ayuu qabaa.
Daawada Tiibishada Laf dhabarta waa in bukaanka la siiyaa Daawada Tiibishada oo soconeysa 9 ilaa 12bilood. Mudada ay daawada soconeyso waxay ku xiran tahay sida uu uga jawaabo bukaanka una fiicnaado.
Bukaanada qaar ayaa Qaliin u baahda sida Bukaanka ay malax ku jirto lafta taas oo u baahan in laga saaro meesha, Bukaanka Qalooc dhabarka yeesha oo ay laftii burburtay, Bukaanka ay Lafta ama Qoyaan ku aruuray uu Neerfaha cadaadis saarmay.
Tiibishada waa la daaweyn karaa balse waxay u baahan tahay in xili hore lala tacaalo bukaanka, daawadana uu si sax ah u qaato. Waxaa xusid mudan in bukaanada Tiibishada qaba sidoo kale laga baaro Cudurka AIDS-ka maadaama HIV AIDS-ka ku badan yahay dadka difaacoodu hooseeyo sida kuwa tiibishada qaba oo kale.
Dad badan ayaa iska qaata Qalajiye ama xitaa bilaaba daawo Tiibisho marka ay Lafaha, Kala goysada ama Dhabarka xanuuno taas oo aanan sax ahayn. Fadlan Daawo Video-gan uu Dr.Sayid ku sharxayo arintan.
Dr.Sayid wuxuu qoray maqaalo kale oo loogu tala galay bukaanka loogana hadlayo waa Xanuunada kala duwan ee Lafaha ee Fadlan Booqo Qaybta Wacyigelinta Bukaanada si aad uga bogatid.
Waxaa la Qoray
April 2023
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera
Xogta waxaa laga soo Xigtay UpToDate.
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.
