Murgacasho

๐Œ๐ฎ๐ซ๐ ๐š๐œ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐ฎ (๐’๐ฉ๐ซ๐š๐ข๐ง) ๐ฐ๐š๐š ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฃ๐ข๐ข๐๐š๐ง ๐š๐ฆ๐š ๐ ๐จ’๐ข๐ญ๐š๐š๐ง ๐ช๐š๐ฒ๐› ๐ฌ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐š๐ก ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐š๐œ๐๐š;
Seedku waa waxa isku haaya murqaha iyo lafaha.
Meesha ugu badan ee murgacata waa Anqawga (Ankle joint).

Waxaa badanaa sababa murgacashada anqawga in qofka ay lugta u laabanto sida sawirka hoose taasna ay kala jiido ama goyso seedihii isku haayay qaybta banaanka ee kala goyska anqawga.
Murgacashada waxaa loo kala bixiyaa 3 nuuc oo kala ah:

  1. Mid fudud: seedka wuu kala jiidmay laakiin ma go’in
  2. Mid dhexdhexaad ah: seedka qayb ayuu ka go’ay balse qayb kale ayuu weli iska haystaa
  3. Mid daran: seedka dhan ayaa kala go’ay.
  • Calaamaadka guud ee lagu arko murgacashada anqawga waxaa ka mid ah: xanuun kala goyska ah gaar ahaan qaybta banaanka, barar, meesha oo soo gaduudata iyo qofka oo xanuunkiisa ka daro marka uu soconaayo.
  • Calaamaadka qofka waxay ku xiran yihiin heerka murgacashada ay gaar siisan tahay.
  • Waxyaabaha ugu fudud ee lagula tacaalo murgacashada waxaa kamid ah:
  1. In lugta la nasiyo
  2. In baraf ama wax qabow la saarsaaro
  3. In lugta kor loo qaadi sida in barkin la saaro.
  4. Xanuun baabi’iye sida Paracetamol
    Dhibaatooyinka ugu badan ee ka dhasha murgacashada waxaa ka mid ah: xanuun ama iyo barar mudo ka jira meeshii murgacatay iyo in dhicitaan iyo murgacasho kugu soo noq noqoto.
  • F.G: Xalka kama danbeysta ee murgacashadaada wuxuu ku xiran yahay sida ay wax u gaareen seedka sidaa daraadeed waxaa haboon in aad la tashato dhakhtarka si la talin iyo daaweyn kugu haboon laguu siiyo.
ยฉ 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.