Xinjir ku Sameysanta Xididka (DVT)
Xinjir ku sameysmata Xididada gudahooda (Deep Venous Thrombosis)
Xanuunkan waa xaalad ay Xinjir ku sameysmeyso Xididkii gudihiisa (vein) gaar ahaan xididada gudaha kadibna socodkii dhiiga uu yaraanayo kadibna ay sababayso barar iyo xanuun. Meesha ugu badan ay xinjiraha ku sameysmaan waa lugaha balse xinjirta meel kasta way ku sameysmi kartaa
Waxaa Xanuunkan u nugul:
-
1. Dadka aan dhaqdhaqaqeyn sida (bukaan xanuun la ildaran oo sariir jiifa, bukaan jabay oo aan socon karin, iwm)
-
2. Dadka Kansarka qaba
-
3. Dadka aad u cayilan
-
4. Dadka Sigaarka caba
-
5. Dumarka uurka leh
Waxaa sidoo kale uu ku dhici karaa dad kale oo badan sida dadka waayeelka, iwm.
Calaamadaha Xanuunkan:
Waxaa laga yaabaa in wax calaamad ah qofka lagu arag halka mararka qaar bukaanka la imaado barar hal lug ah, gaduudan, bararsan iyo waxyaabihii u nugleysiinaaye xanuunka.
Dhakhtarka markii uu tuhmo xanuunkan wuxuu sameeyaa baaritaano ay kamid yihiin Kombuyuutar lagu fiirinaayo xididada iuo dhiigag sheybaarka loo diraayo.
Daawada Xanuunkan waxaa ugu muhiimsan
In xinjirta inay samaysanto marka horaba laga hortago (Tusaale: bukaanka in la socodsiiyo iyo daawooyin dhiiga socodkiisa ka qayb qaadanayo lasiiyo),
Hadii ay ku samaysantay xididkana laga hortago inay dhaqaaqdo si aysan u xirin xidido muhiim ah sida kuwa Sanbabka iyo Wadnaha taas oo dhimasho deg-deg ah keeni karta hadii aan la aqoonsan xili hore.
Bulshada waxaa la gudboon inay bartaan Calaamadaha Xanuunada halista ah sida xanuunkan oo kale sid qofka u feejignaado; hadii aad tuhunto Calaamadahan, Fadlan Deg-Deg u tag Isbitaalka.
Waxaan rajaynayaa inaad hada taqaano sadaxdaan su’aal jawaabahooda:
Waa maxay Xinjir ku sameysmata Xididka gudihiisa?
Maxaa lagu gartaa Xanuunkan (Calaamadihiisa)
Hadii aad tuhunto ama aragto maxaa kula gudboon?
Waxaa la Qoray
February 2023
Updated 1 March 2026
Waxaa Qoray
Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha Waxaad ka heli kartaa halkan oo aad balan ka qabsan karto.
Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah.
