Xaaladaha Jabka Qaliin u baahan yahay

Badanaa qaliinka waxaa la sameeyaa hadii

  1. Jabku uu yahay mid dhaawac leh ama lafta ay banaanka u soo baxday
  2. Jabku dhaawac gaarsiiyay xidid ama neerfo
  3. Jabku ka jiro meelo kala duwan
  4. Jabku isku aadsami waayo markii la isku dayo in kab lagu xaliyo
  5. Jab iyo kala bax ka jiraan kala goys
  6. Jab reysan waayay
  7. Jab sababay qalooc lafta ku yimid
  8. Bukaanku door bido in la qalo si uu dhaqso u bogsoodo

F.G: Fadlan mar kasta la tasho Dhakhtarkaaga maadaama ay jiri karaan xaalado aan halkan ku sheegin

Waxaa la Qoray

November 2022

Waxaa Qoray

Dr.Sayid omar, Dhakhtarka Lafaha ee Isbitaalka Jaamacada Jazeera

Digniin: Xogta kore looguma talo galin in wax lagu daaweeyo ama go’aan caafimaad lagu qaato; Fadlan la tasho Dhakhtarkaaga hadii aad u baahan tahay la talin iyo daaweyn rasmi ah. Waxaad ka heli kartaa Dr.Sayid halkan oo aad balan ka qabsan kartaa.

© 2026 Dr. Sayid. All Rights Reserved.